Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Masiibooyinka xukumadda federaalka Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa maanta xarunta Safaaradda shiinaha ee Magaalada Muqdisho kulan looga hadlayay Arrimaha gargaarka iyo xiriirika dowladda Soomaaliya iyo Shiinaha kula qaadatay safiirka Dowladda shiinaha ufadhiya Soomaaliya.
“Maanta oo Talaado ah waxaan kulan kula qaatay xarunta Safaaradda Shiinaha ee magaalada Muqdisho Safiirka Shiinaha u fadhiyo Soomaaliya Mr Qin Jian.
Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sidoo kale sheegay inay kala hadashay xaalada bini,aadanimo ee ka jira dalka gaara ahaan abaaraha iyo sidii ay dowladda Shiinaha qeyb uga qaadan laheyd gurka loo fidinayo dadka ay saameeyeen.
“Kulanka waxaa diirada ku saarnay xiriirka labadda Dowladdood iyo arrimaha Gargaarka Bini’aadanimo, waxa dhankiisa xusay inay sii wadi doonaan dadaalka ku bixinayaan Soomaaliya ayay hadalkeeda ku daray wasiirka Khadiijo
Ugu dambeyn Wasiirka Gargaarka iyo maareynta Masiibooyinka xukumadda federaalka Soomaaliya Marwo Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa uga mahadceliyay dowladda Shiinaha ee u uku matalo safiirka Dhowrista madax-banaanida dhuleed iyo mida Siyaasadeed ee Soomaaliya oo ay dhawaan Safaaradda shaacisay.
Leave a Reply