.Wasiirka Arrimaha Gudaha, Cadaalada, Xanaanada Xoolaha, Ganacsiga, Warfaafinta iyo Mas’uuliyiin kale ayaa maanta ka qeybgalay Xabaalida meydadka labo cunug oo uu dhalay Ex-Xildhibaan Shiikh Aweys Cabdullaahi Ibraahim oo xalay dhagarqabayaal ku dileen Magaalada Baydhabo.
Wasiirka Warfaafinta iyo Wacyigelinta Bulshada Koonfur Galbeed Soomaaliya, mudane Ilyaas Saciid Cali (Qalinle) oo ku hadlay Afka Xukuumada K/galbeed ayaa Aabaha dhalay Ciyaalka la dilay iyo ehelada ugu tacsiyadeeyay, wuxuuna sheegay in hay’adaha amniga ay baaris wadaan kuna raadjoogaan dhagarqabayaashii ka dambeeyay dilkaasi.
Leave a Reply