Madaxwaynayaasha Soomalida iyo Canfarta oo heshiis Xabad Joojin ku gaaray Addis ababa

mustafe

Waxaa Magaalada Addis Ababa ee caasumada Dalka itoobiya ka dhacay Shir ay soo qaban qaabisay Wasaarada Nabada ee Dowlada Itoobiya kaas oo ay ka qayb galeen Madaxwaynayaasha Maamulada Soomaalida iyo kan Canfarta waxaana looga hadlay dagaal sababay dhimasho badan iyo barakicin oo u dhexeeyaa labada Maamul goboleed.

Wada hadal dheer ka dib waxaa lagu heshiisay qodabadaan hoos ku qoran oo ugu horeyso Xabad joojin dag daga.

1. In la joojiyo colaada, ciidamada labada dhinacna ay ka duurkaan jidka laamiga ah ee isku-xidha Awash iyo Jabuuti ugu yaraan 10km (dhanka bari Soomaalida, dhanka galbeedna Canfarta).

2. In qadiyada sadexda magaalo ee Grabaciise, Candhuuf Macaan (Candhuftu) iyo Cadeey (Cadeeytu) lagu xalin doono nidaam sharci ah inta ka horaysana ay ciidamada qaranku sugayaan amniga shacabka magaalooyinkaas; islamarkaana la baadho weerarkii iyo waxyeeladii shalay ka dhacday Cadeey (Cadaytu) iyo guud ahaan isku dhacyadii u dambeeyay;

3. In aan deegaamayn cusub la samayn karin aaga colaadu ka jirto oo ah aaga ka caagan ciidanka;

4. In hay’adaha amniga ee qaranka ay bari laga bilaabo tagaan goobta isla markaana ay xaqiijiyaan fulinta qodobadaas lagu heshiiyay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.