Allaha Unaxariistee Gudoomiye ku xigeenkii Kowaad ee Gobolka Bari Marxuum Axmed Cali Cabdullaahi (Ciro Buncun) ayaa xalay ku geeriyooday magaalada Muqdisho kadib markii laga soo qaaday puntland isagoo la liita Caabuqa coronaha.
Deegaanada Puntland waxaa dhibaato ku haya cudarka Coronaha waxaana aad u yar qalabka iyo Goobaha lagula tacaalo dadka uu soo rito cudarkaan.
Madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaaya magaciisa, kan Goleyaasha iyo kan shacabka Puntland ayaa ka tacsiyeeyay geerida Alle ha u Naxariistee Guddoomiye Ku-xigeenkii koowaad ee gobolka Bari Marxuum Axmed Cali Cabdullaahi (Cirro),
Leave a Reply