Beesha Caalamka ka jawaabtay Canaantii uga timid Dowlada Soomaaliya

beesha

Qaramada Midoobey iyo ururrada Midowga Yurub, Midowga Afrika iyo IGAD ayaa soo saaray qoraal ay uga hadlayaan war Qoraal ah oo dhawaan ay dowlada Soomaaliya Qaramada Midoobay u dirtay iyo khilaafka ka dhex jira madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ee salka ku haya qabsoomidda doorashooyinka dalka.

Kulan 9 April 2021 Qaramada Midoobay, EU, IGAD , AU ka yeesheen xaaladda Soomaaliya oo ay kasoo qeyb-galeen kaaliyaha xoghayaha guud ee QM ee arrimaha siyaasadda Rosemary DiCarlo, agaasimaha Afrika ee Midowga Yurub Rita Laranjinha, madaxa siyaasadda ee Midowga Bankole Adeoye, iyo xogahayaha guud ee IGAD Dr. Workneh Gebeyehu.

Qoraal ay soo saareen kulankaas kadib ayey ku sheegeen inay ixtiraamayaan Madaxbanaanida iyo Xoriyada Ummada Soomaaliyeed, waxay kaloo sheegeen inay ka walaacsan yihiin qilaafka ka jira Doorashada waxayna ugu baaqeen Madaxda Soomalida inay kusoo noqdaan gogosha wadahadalka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.