Shacbiga Somaaliyeed Maka Aamusi Karaan Xalada Cakarin ee Dalka W/Q Jimcaale

calan

Dadka Soomaaliyeed ee aan su’aasha u soo jeediyey baan ka mid ah oo iska saarimaayo waayo dhamaanteen waxaan nahay saamileeyda siyaasada in kasta oo qolada Burbur Qaran ku caan baxday ay booliyeen ama boobeen meeqaanka saamileeyda siyaasada oo ah wax naga dhexeeye dhammaanteen,sidaas awgeed meel aan ku codaynay oo dhawr iyo toban qof shacbigu xilkaas ugu dhiibtey ma ogi,meel halis ah bay arinta Soomaaliya mareysaa,ma qarsoona gacmaha shisheeye ee ka dhex muuqda arimaha gudaha ee dalkayada,daah ma saarna hagardaamada Beesha Caalamka oo aan aad ugu faraxsanahay warqada 9/04/21 dawlada Soomaaliya u qotray UN iyo safiirada shisheeye ee is mooday milkiilayaasha Soomaaliya,Soomaaliya Soomaali baa leh ,madaxdayaduna way na tustay in ay xilkaas noo hayaan,waana sababta aan fikirkeyga halkaan ku soo bandhigaayo.

Samareeb 1.2.3,17 Sabteembar iyo 16 Feebaraayo waa shan kulan oo mar kasta shuurada cusub ay la imaanayeen kala saarimaayee Kooxda Burbur Qaran,madaxda qaranku dhammaan waa u taanaasuleen sharuudahaas oo aan Meesha ku jirin si doorasho u dhacdo,waxaa kale ee tanaasul weyn ahayd in kooxda Burbur Qaran diidey madaxooyada Soomaaliya oo xayndaabka Xalane in lagu shiro sharuud ah la yimaadeen in shirka lagu qabto,ciidamada amniga ee Soomaaliyana la ilhaaneeyey ee la yiri lama aamini karo,madaxda Soomaaliya aniga oo u arkaayey(GEED AY KU XOGTAAN HA WAAYEEN BURBUR QARAN)bay yeeleen,sidaas awgeed ma haboo tahay in aan is weydiino su,aalahaan:-

1-Yaa diidan Doorasho in ay dalka ka dhacdo?

2-Intaas oo goobood oo mid walba wixii lagu balamay laga baxay oo mar kasta sharuuda cusub la keenaayey ma is leedihiin gacmo shisheeye baa ka danbeeyey waa sida aan anigu qabee?

3-Beesha Caalamka ma muuqataa in ay kaalin ka qaadanayaan in mar kale Soomaaliya burburto?

4-Ma sax baa labada nin ee cadawga Soomaaliya burburka Soomaaliya u adeegsanaayo ama shisheeye ahaado ama shisheeye kalkaal ahaadee in Beesha Caalamku bil ku haysato Xalane haddana ay xal ka keeni waayaan?

5-Arimaas oo aan u arko in loogu gafaayo,Gobanimada iyo madaxbanaanida Dalkayaga Soomaaliya ma ka aamusnaan karnaa,haddaan aamusnaano yaan xal ka sugeynaa?

6-Waxaan la yaabanahay,waxaan is lahaa dadbadan baa waxbartay oo dalka wax ku soo kordhin doona,sidoo kale culumadii diinta ee dadka tubta toosan ku hanuunin jirey waa bateen caalimiin badan baan yeelanay,labaduba ma idiinku muuqdaan weel balaayo wax ku shubatey oo lugooyada ummadda Soomaaliyeed loo soo tababaray intooda badan?

Waxaan ku soo gunaanadayaa guul gacmahayaga bay ku jirta yey farahayaga ka bixin,waxaan qabaa in kooxda Burbur Qaran oo yoolkoodu la midka yahay kan Keenya iyo Imaaraadka oo ah Farmaajo intii uu soo noqon lahaa Soomaliya ha burburto,yaanaan daawan,Beesha Caalamkana yaanaan ka sugin in ay wax noo hagaajiyaan,aan tusno in aan dad nahay oo waxayaga aan hagaagsan karno.

Culumada cilmiga badan ee jooga Hargeysa,Buntilaandhi,Galmudug,Hirshabeele.Muqdishow,K/Galbeed iyo Jubalaandhi waxaan dhihi lahaa xaggee ku ogtihiin (XARIGA ALLE QABSADA OO HA KALA TEGINA) Waxaa naloo carbinayaa in qaybaha beeleysan ee aan hadda nahay na loo kala qaybiyo,beel dhul haysan kartaa ma jirto ee dhulka gaalaa si fudud ku qaadan, xaggee idinka iyo ubadka idinka danbeeyaa Alle ku caabadin?

Sidoo kale dhalinyarada iyo aqoonyahanada ha aamusina ee codkeena aan mideyno,wixii aan midnimo u diidno cidna naguma qasbi karto,lakiin ogaada (AAMUSKU WAA OGOLAASHO)Fadalan fariintaa qaaybi oo gudbi wixii rayji ah soo qor Mahadsanidin.

Wabilaahi Towfiiq.

Jimcaale

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.