
Ra’isul Wasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa Hambalyo ku aadan sanad guuraddii 61 aad u diray ciidanka Xooga Dalka Soomaaliya , qoraal lasoo dhigay barta Facebook ee RW rooble ayaa u qornaa sida hoose.
Maanta oo ku beegan sanad guuradii 61aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, waxaan hambalyo u dirayaa saraakiisha, saraakiil xigeennada, dableyda, alifleyda, xaasaskooda iyo qoysaskooda.
CXDS waa laf dhabarta difaaca Qaranka Soomaaliyeed waana kuwa dhaxanta iyo dhamacda u taagan cadowgana u jilib dhigaya si aan nabad ugu ladno.
CXDS waxaan u rajeynayaa guulo iyo horumar is daba joog ah , Waxaan Eebbe ka barayayaa in uu u naxariisto inta geeriyootay iyagoo Qaranka difaacaya una boogo dhayo kuwa dhaawacmay.
Leave a Reply