Ra’iisul Wasaare Rooble oo amray in lasoo xiro dadkii ka dambeeyey falkii ka dhacay garoonka

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa sheegay in aan marnaba la aqbali karin dhacdadii foosha xumeyd ee ka dhacday garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Ra’iisul Wasaare Rooble ayaa faray Wasaaradda Amniga iyo Hay’adaha kale ee ay khuseyso in ay baaritaan deg deg ah ku sameeyaan falkaas si dhaqso ahna sharciga loo horkeeno cid kasta oo ku lug lahayd.

Maanta Galinkii hore bay ahayd Markii Shaqaalaha garoonka iyo askar ka tirsan NIsa ay isku dhex dagaaleen garoonka gudihiisa waxaana burbur loo gaystay qalabkii Garoonka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.