Madaxwayne Laftagareen oo ka tacsiyeeyey geeridii wasiir Rooble

lafatagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray ehelka, qaraabada iyo Ummadda Soomaaliyeed ee uu ka baxay Wasiir hore Marxuum Rooble Shekh Xasan.

Madaxweynaha ayaa tilmaamay doorkii uu Marxuumku ku lahaa dowlad dhiska iyo muddadii dheerayd ee uu u soo adeegayey dadka iyo Dowladda Goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo soo noqday Wasiirkii Hore Shaqada iyo Shaqaalaha DGKGS.”Innaa lillaahi Wa Innaa Ileyhi Raajicuun.

Waxaan tacsi tiiraanyo leh u dirayaa qoyskii, qaraabadii iyo guud ahaan shacabka koonfur galbeed ee uu ka geeriyoodey Alle ha u naxariistee Marxuum rooble shekh xasan Marxuumku waxa uu door muuqda ku lahaa dowlad dhiska koonfur galbeed.

Madaxweyne Cabdicasiis Laftagareen ayaa Marxuumka Alle u weydiiyey in uu hoygiisa ka yeelo Jannatul Fardowsa, samir iyo iimaanna uu ka siiyo qoyska, qaraabada iyo guud ahaan shacabka koonfur galbeed ee uu ka geeriyoodey.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.