
Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Khaliif Cabdi Cumar, ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay madaxa hay’adda Iskaashiga u qaabilsan Turkiga ee Soomaaliya Mr.İlhami Turus oo ay ka wada-hadleen siddii labada dhinac ay iskaga kaashan lahaayeen horumarinta ganacsiga iyo maal-gashiga iyo sidoo kale xoojinta tayo-dhowrka Soomaaliya si loo ilaaliyo tayada badeecadaha soo galaya dalka iyo kuwa la dhoofinayo intuba.
Waxa kale oo ay ka wada-hadleen tobabaro la xiriira ganacsiga iyo in si gaar ah loo taageero loona horumariyo haweenka ganacsiyada ku leh dalka, maadaama ay haweenku gacanta ku hayaan ganacsiyada ugu badan Soomaaliya.




Leave a Reply