Madaxweynaha Dowlada federaalka ah ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa ka dalbadey Golaha Shacabka in dib loogu laabto heshiiska 17-kii September 2020 madaxda dowladda Faderaalka iyo Dowlad-goboleedyada ku gaareen magaaladda Muqdisho.
Golaha shacabka ee Soomaaliya oo u codeeyey in dib loogu laabto doorashadii dadbaneed iyo heshiiskii 17-Septembar ee 2020, kadib markii Madaxweyne Farmaajo ka codsaday waxaana u codeeyey 140 Mudane.
Madaxwayne farmaajo ayaa barlamaanka ka sheegay sidaan “Waxaan rabaa in aan cadeeyo In Ra’iisul-wasaare Maxamed Xuseen Rooble uu hogaamin doono Diyaarinta, Hirgalinta doorashada, & Amnigeeda, si ay doorashadu ugu qabsoonto jawi nabad ah oo xasiloon, waxaan kale oo Ra’iisulwasaraha u xilsaaray qabanqaabada iyo martiqaadka Saxiixayaashii Heshiiskii 17 September 2020, si loo meelmariyo heshiiskaas iyo talooyinkii Farsamo ee kasoo baxay Shirkii Baydhabo 16kii Febraayo 2021, Waxaan faraya Xukuumadda in ay u diyaar garowdo howshaas baxada weyn.“
Leave a Reply