
Ra’iisul Wasaaraha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Hambalyo udiray Shaqaalaha Soomaaliyeed, maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed.
Munaasabadda Maalinta Shaqaalaha Adduunka awgeed ayaa waxaa hambalyo u diray shaqaale weynaha Soomaaliyeed Ra’iisal wasaare Maxamed Xuseen Rooble isagoo uga mahadcelinayay howsha adag ee qiimaha badan ee ay qaranka ay u hayaan, Iyaga iyo qoysaskooda waxaa u urajeeyay caafimaad iyo horumar.
Ra’iisul wasaare Rooble ayaa yiri: “xukuumaddu waxay xoogga saareysaa horumarinta xirfadda shaqaalaha Soomaaliyeed, dhowrista xuquuqdooda dhinac walba iyo abuurista fursado shaqo oo hor leh”.
Leave a Reply