Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa kulan dhinaca Khadka Internetka ah ee Aalada Zoomka) waxaa uu kula qaatay xubno katirsan Bangiga Horumarinta Afrika iyo Bangiga Adduunka.
Qoraal uu Wasiirka soo dhigay Barta twitter-ka ayaa waxaa uu ku sheegay in ay labada dhinac ay ka wada hadleen dib-u-habeynta dhaqaalaha Dalka.
“Waxaan ka wada hadalnay dib-u-habeynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo taageerada Bangiga,Bangigu wuxuu leeyahay ama uu sii wadaa inuu door muhiim ah ka ciyaaro dib-u-habeynta iyo horumarinta dhaqaalaha ayuu yiri” Wasiir Beeyle.
Xubno katirsan Bangiga Horumarinta Afrika ayaa dhankooda waxaa ay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Soomaaliya la wadaaegeen tallooyin ku aadan sidii loo horumarin lahaa dhaqaalaha Soomaaliya.
Leave a Reply