Kusimaha Madaxweynaha Dowladda Puntland Ahna Madaxweyne ku-xigeenka Dowladda Mudane Axmed Cimi Cismaan Karaash, ayaa Shir guddoomiyay kulan ku saabsan Amniga guud iyo dardargelinta qorsheyaasha amni ee maalmaha Ciida.
Kulanka waxaa ka qeybgalay Wasaaradda Cadaaladda, Taliyeyaasha Ciidamada Daraawiishta iyo Booliska, Maamulka Gobolka Nugaal, Kan degmada Garoowe iyo Saraakiil Madaxtooyo.
Deegaanada Puntland waxaa amni xumo ku haya kooxo argagixiso ah kuwaas isugu jira Alshabaab iyo Alqaacido dhamaantoodna waxay ku dhuumaalaysanayaan deeganada buuraha ku hareeraysan Deegaanada Puntland.
Leave a Reply