Madaxwayne Kuxigeenka Puntland oo gaaray Magaalada Qardho

karaash

Ku simaha Madaxweynaha ah-na Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Puntland Mudane Axmed Cilmi Cusmaan Karaash ayaa Magaallada Qardho ee xarunta Gobolka Karkaar ku daah-furaya is diiwaan gellinta Doorashooyinka Golayaasha degaanka oo lagu geli doono hannaanka dimuqraaddiyadda ee xisbiyada badan.

Daah-furka dhacdadan taariikhiga ah ayaa wajiga hore waxaa lagu bilaabi doona is diiwaan gellinta saddexda dedmo ee kala ah Qardho, Eyl & Ufayn. Dhan kele munaasibaddani waxay albbaab fur u tahay guud ahaan hannaan siyaasadeedka rasmiga ah ee Puntland u guurtay, tasoo shacabka talada lagu cellinayo si aysan masiirkooda aysan cidna marti uga noqon.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.