
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa tacsi u diray qoyskiisii iyo bahda Booliska Soomaaliyeed ee uu ka baxay Taliye ku-xigeenkii qeybta guud Booliska ee Gobolka Banaadir Col: Axmed Cabdi (Waaweyne).
“Allaha u naxariisto Col: Axmed Cabdi (Waaweyne), Taliye ku-xigeenkii qeybta guud Booliska ee Gobolka Banaadir oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qaraxii argagixisadu la beegsadeen saldhigga degmada Waaberi. Waxaan tacsi u dirayaa qoyskiisii iyo bahda Booliska Soomaaliyeed” ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.
Leave a Reply