
Ra’iisul Wasaaraha Xukuumaddd Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa dalka dib ugu soo laabtay ka dib markii ay dalka Djibouti uga qeyb galeen caleemo-saarka madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti mudane Ismaaciil Cumar Geelle.
Ra’iisul wasaaraha iyo wafdigiisa ayaa caawa fiidkii soo gaaray magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.
Caleemo-saarka Ismaaciil Cumar Geelle oo mar kii shanaad loo doortay madaxweynaha Jabuuti ayuu Ra’iisul Wasaaraha Maxamed Xuseen Rooble ka mid ahaa madaxdii lagu casuumay.



Leave a Reply