Qoorqoor oo Gudi u magacaabay Afduubka iyo Dilkii loo gaystay Sheekh Cali dheere

calidheere

Digreeto kasoo baxday Xafiiska Madaxweynaha Galmudug ayaa lagu magacaabay Guddi xaqiiqo raadin iyo baaris ku sameeya falkii afduubka iyo dilka loogu geystay Allaha u naxariiste Sh. Cali Axmed Faarax (Sh. Cali Dheere) oo ka tirsanaa culumada Soomaaliyeed iyo dadka ka shaqeeya samafalka oo ka howlgali jiray gobolka Mudug.

Madaxweynuhu wuxuu magacaabay guddiga hoos ku xusanyihiin:-

1. Avv Muumin Xuseen Cabdulaahi (Guddoomiye)

2. Avv Cabdixakiin Maxamed Xirse (Guddoomiye kuxigeen)

3.Saciid Maxamuud Jimcaale (Xogheyn)

4. G/Dhexe Maxamuud Axmed Maxamed (Cawil) (Xubin)

5. X/LE Ciise Axmed Cali (Xubin)

6. Cabdi Jaamac Cabdulle (Xubin)

7. C/risaq Khaliif Aaden (Xubin)Magacaabista

guddigaan ayaa dhaqangaleysa marka uu saxiixo madaxweynuhu waana uu saxiixay.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.