Ra’iisul Wasaare Rooble oo sheegay inuu fududeynayo waxkasta oo horseedi kara in uu shirka Guuleysto

Rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble ayaa shaaca ka qaaday in Xukuumadda ay u diyaar garowday qabsoomidda shirka Golaha Wadatashiga Qaran ee dhameystirka arrimaha doorashooyinka.

Ra’iisul Wasaare Rooble oo rajo wanaagsan ka muujiyay shirka, ayaa hoosta ka xariiqay inay ka go’antahay fududeynta waxkasta oo horseedi kara in uu shirka guuleysto.

“Waxaan rajeynayaa in Shirka Golaha Wadatashiga Qaran guul noogu soo dhammaado si dalkeennu doorasho u aado”.ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Rooble.

“Siyaasiyiinta iyo shacabka Soomaaliyeed waxaan uga mahadcelinayaa taageeradooda dadaallada aan wadno, waxaan ka codsanayaa garab istaag. Waxaan Eebbe ka baryayaa in uu noo fududeeyo.” Ayuu yiri Ra’iisul Wasaaraha Dalka

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.