Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) ayaa ka qeyb galay munaasabad uu xulka kula wareegayay Wasiirka cusub ee Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Cabdiwahaab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen oo ka dhacday xarunta Wasaaradda.
Xafladda waxaa kalo ka qeybgalay Wasiirro ka tirsan Xukuumadda, Wasiir ku-xigeenno, Wasiiru Dowlayaal, Xildhibaannada Labada Gole ee Baarlamaanka, howlwadeennnada Wasaaradda iyo mas’uuliyiin kale.
Wasiirkii hore ee Wasaaradda ahna Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa sheegay muddadii uu joogay xafiiska inuu dadaal ku bixiyay sidii sare loogu qaadi lahaa Howlaha Wasaaradda, wuxuuna soo hadal qaaday in shuruuc dhowr ah oo muhiim u ah Dalka la hirgeliyay , kuwa kalana la ansixiyay. Wuxuu inta ku daray inuu Wasiirka cusub kala shaqeyn doono sidii horey loogu sii wadi lahaa shaqooyinka ay ka qabaneyso Wasaaradda.
Leave a Reply