
Maydka Madaxweyne ku xigeenkii hore ee Maamul goboleedka Puntland, Cabdi Samad Cali Shire ayaa maanta oo Jimco ah laga qaaday magaalada Muqdisho ee caasumada Soomaaliya.
Marxuumka oo muddooyinkii u dambeeyay ku xanuunsanaa Puntland ayaa la keenay magaalada Muqdisho, halkaas oo uu shalay ku geeriyooday waxaana Maanta maydkiisa loo qaaday Magaalada Garoowe.
Allaha u naxariistee Cabdisamad Cali Shire ayaa soo noqday madaxweyne ku xigeenkii Puntland dowladdii uu madaxda ka ahaa Cabdiraxmaan Faroole ( 8 January 2009- 8 January 2014).
Leave a Reply