
Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo uu weheliyo Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland Mudane Axmed Cilmi Cismaan Karaash ayaa Garoowe kaga qayb-galay Aaska Qaran ee Madaxweyne Ku-xigeenkii hore ee Puntland Allaah u naxariistee Marxuum Cabdisamad Cali Shire.
Mas’uuliyiin ka tirsan Guddoonka Baarlamaanka Puntland, Goleyaasha Dowladda, Saraakiil, madax-dhaqameed, cullimo, siyaasiyiin iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qayb-galay Aaska.
Madaxweynaha Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni iyo dhammaan mas’uuliyiintii kasoo qayb-galay ayaa Alle SWC uga baryey Marxuumka Naxariistiisa Janno, waxa ay ku booriyeen Ummadda Soomaaliyeed inay iska cafiyaan Marxuumka, una duceeyaan.














Leave a Reply