Waxaan su’aashaan u soo qaatay markii aan arkay war uu baraha bulshada soo dhigay Shiikh Maxamed Idiriis oo ay haddana igu soo duxdey hadalkii muuse Suudi, dibna aan u milicsaday jid gooyooyinkii ay qaybo Xamar ka mid ah ka sameysteen kooxiiinhii shisheeyuhu soo abaabuley iyo kuwii masuuliyiinta iyo siyaasiyiinta sheeganaayey oo af iyo adinba abaabulayey in dhammaan wixii aan qabsanay burburkii ka dib la baabi’iyo dalka oo lagu celi hoogii iyo haantooleeydii dhacday 1991kii.
Waxaan wada ognahay in ay jiraan odayaal, siyaasiyiin iyo wadaado cadawga dalku adeegsado si ay dadka u marin habaabiyaan ,kuwaas oo xoogaa nacfiya dhaafsada Diinta,dalka iyo dadka si ay u shidaan dabka qabyaalada oo in deg deg loo ololiyo ay aad u fududahay Soomaalida dhexdeeda,waana wadada keliya ee mar kasta looga dhex adeegto bulshadayada,haddaba aan xoogaa idiin soo bandhigo inta aanan dulucda u dhaadhicin.
Isla maanta waxaan daawaday wiil Reer Falastiin ah,malaha waa lix ama todoba jir ,wuxuu gacmaha ku wataa dhagxaan,wuxuu ka soo horjeedaa askar Yuhuud ah oo hubaysan wuxuu leeyahay (HALKAAN WAA QUDUS WAXAA KU DHINTAY AWOOWGAY IYO AABAHAY OO KU SHAHIIDAY ANIGANA WAAN KU DHIMANAYAA).
Isla maanta waxaan daawday wiilal aan da’da labaatanka gaarin oo hubeysan oo ay horkacayaan odayaal da’dooda aan ku qiyaasay 60 ilaa 70 sano, waxay gubayaan tuulo aan saas uga fogayn Jowhar, hawshaas odayaasha baa dhiiragelinaaya oo leh waa tuuladii reer hebel ee guba kuna tilmaamaya guul ,dhalinyarada yar yarna waa fulinayaan ayaga oo weliba aad u faraxsan,markaas waxaan is weydiiyey farqiga u dhexeeya caruurta Reer Falastiin iyo tan Soomaalida marka laga eego Diinta wadaniyada iyo bani,aadanimada, ogaada dhalinyaradu eeda ma leh ee ninba wixii awoowgi iyo aabihi bareen buu fuliyey.
Shiikh Maxamed Idiriis wuxuu tibaxaay is jiid jiidkii sagaalka bilood ee doorashada iyo in taladii hadda resulwasaaraha gacanta ugu jirto asaga oo u sarbeebanaaya in wadadii dawladu ku socotay uu ka leexdo,kana leexanaaya in uu ka marqaati furo halka sartu ka quruntay ,laba is haysa ninkii u cadaalad fali waaya waa og yahay waxay diintu ka qabto, muxuu ku bedeshey akhristayaal? Fadlan haddii aad wax noo shegisid caddee warkaaga sida shiikh Cabdi Xirsi, Shiikh cabdixayi ,Shiikh Bashiir iyo Shiikh Cali Wajiis, ugu danbayn qabyaaladi ninkeedii la hartay adduun iyo aakhiraba nin aduunyo eexiyey iskaba daa warkiisa.
Wabilaahi Towfiiq.
Leave a Reply