Abwaankii Qarniga W/Q Cabdulaaji Jimcaale

abwaansharlaawe

Ma ahi da’dii xoriyada dhalisay ee qarnigii 20aad oo ay u horeysay Daraawiishtii uu hoggaamiye iyo aasaasaba u ahaa Alle ha u naxariistee Sayyid Maxamed Cabdulle Xssan, Tii Axmed Gureeyna waa qarniyo,waxaanse ku garaadsaday guushii halgankaas dheer ee xoriyada 1960kii SYL iyo SNL, waxaan ahaa toban jir reer miyi ah  nasiibna u heley in todaba bilood kadib waxbarashada Dugsiga Hoose Dhexe ka bilaabo degmada Buulo Barde, nasiib wanaagna ka mid ah inta wax akhrin karta, ra’yigoodana qoraal ku cabiri karta aan u mahadceliyo Alle iyo walaalkay iga weynaa oo reer magaal ahaa oo miyiga iga soo kexeeyey markii hooyaday iyo aabahay dhinteen laba sano oo isku xigtay , sidoo kale waxaan u mahad celinayaa halgamaayaashii xoriyada oo kumanyaal ka mid ah u shahiideen dalka iyo diinta ,waxaan ayadana marna la iloobi Karin intii af iyo adin ku daafacayey mirihii ay noo abuureen, fadlan akhriste u ducee inta aan halka ku xusay.

.Xusuusta aan cajalada dib u celiyey waxaa igu dhaliyey cinwaanka sare oo aan iminka u dhaadhacayo ujeedada, jacaylka iyo xushmada aan u hayo kuwa mirihii ay dhaliyeen aan guranay mid la mid ah ayaa igu xambaaray in aan si gaara u xuso kana hadlo Fanaanka da’da yar ee qarnigaan Mudane MAXAMED CALI CUMAR {ABWAAN SHARLAAWE}.

Ogaada dhammaan marxaladaha aan xusay waxay ahaayeen kacdoono cid kastaa ha curisee ,xitaa haaddii aan ku darno kii 1969kii 21kii Oktoobar,matoorka ugu weyn oo dhaqaajiyeyna wuxuu ahaa dadweynaha,wixii isku duway oo mideeyey waxay ahaayeen culumada iyo suugaanleeydii waayahaas kala duwn, inta aan xasuusto aan soo qaato Syid Maxamed Cabdulle Xasan, cismaaciil Mire, Cabdullaahi Suldaan Timacadde, Cali Xuseen, Cali cilmi Afyare, Cali Sugule , Cabdulqaadir Xirsi Yamyam iyo qaarkaloo badan, sida waayahu isu badeleen baa qaabka ay noogu faa’deyn karaan halabuuradu isku badaleen, waxaana kalifaaya qaab nololeedka oo sidii hore ka badalan, sidaas darteed abwaanada da’da yar oo la soo kacaamay maskaxda fiyoow waxaan soo jeedinayaa in aan maalgashano, Abwaan Sharlaawe Jawaabta uu ka bixiyey abaabulkii shisheeyuhu ka denbeeyey ee loogu talagalay in lagu barakiciyo saddex milyan ee ku nool caasimada Soomaaliya ee muqdishow, islamarkaasna ujeedadu ahayd in la baabi’iyo inta aanu qabsanay burburkii kadib oo naloo quuri la’yahay iyo sida uu uga falceliyey duqayntii Gedo ee Kenya lama ilaabi karo.

Sidaas darteed waxaan soo jeedinayaa in la dayactiro Abwaan Sharlaawe dawlad iyo dadweynaba, dawlada waxaan u soo jeedinayaa in ay gacan qabato Abwaan sharlaawe sida haddii uu arday yahay in la siiyo waxbarasho lacag la’aan ah ama la shaqaaleeyo, aniga oo qof kasta oo xil haya ka codsanaaya haddii uu qoraalkaan arko inuu gaarsiiyo Madaxweynaha iyo resulwasaaraha, qofkii kale oo gaarsiin karana sidoo kale.

Sidaas oo kale Golaha abwaaniinta iyo wasaarada warfaafinta iyo hidaha iyo dhaqanka waxaan u soo jeedin lahaa ha loo sameeyo xaflad lagu maamuusaayo oo dhiirigelin ah, wixii ay u qaban karaana haw qabteen, ama ha ufureen si dadweynahu u maalgeliyo gudaha iyo dibadaba,

Wabilaahi Towfiiq.

Cabdullaahi Jimcaale Faarax.Tel.00447572336192

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.