Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee xoogga dalka soomaaliyeed ayaa howlgalo qorsheeysan kasameeyay degaano katirsan gobolka shabeelaha hoose.
Howlgalka oo ay sameeyeen ciidanka sida gaarka ah utababaran xoogga dalka iyo ururka 4-aad guutada 17-aad kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayay kasameeyeen tuulooyin hoostaga degaanka bariire ee gobolka shabeelaha hoose kuwaasi oo ay kamid yihiin Balow iyo Nuunaay.
Ciidanka ayaa waxeey bariitaano kusameeyeen meelaha lagu tuhmayo iany gabaad kadhigankaraan argagixisada al-shabaab waxeeyna kuguuleeysteen inay 4-miinooyinka dhulka lagu aaso kasaoo saaraan inta udhexeeysa degmada awdheegle iyo degaanka bariire kuwaasi oo ay maleeshiyaadka kooxda nabadiidka al-shabaab kudoonayeen inay kudhibaateeyaan shacabka soomaaliyeed ee isticmaala wadadaasi balse ciidanka xoogga dalka soomaaliyeed oo utaagan badbaadinta shacabkooda iyo kahortaga dhagarta cadawga ayaa kuguuleeystay inay kahortagaan miinooyinkaasi al-shabaab dhulka ku aaseen.
Taliyaha Ciidanka sida gaarka ah utababaran ee xds Cabdulaahi Mustaf Cali Madaale Qaran iyo Taliyaha uruka 4-aad ee kumaandooska xoogga dalka gor-gor ayaa howlgalkani laga hortagayay dhagarta argagixisada hoggaaminayay.
Leave a Reply