Daawo:Qodabadii ay kawada Hadleen Axmed Madoobe iyo Beesha caalamka

axmedmadoobe

Madaxweynah Jubaland Axmed Maxamed Islaam, Axmed Madoobe ayaa xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu hogaaminayay Wakiilka gaarka ah ee Xoghaya Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan arrimaha Soomaaliya James Swan, waxaa kale oo wafdi kamid ahaa Wakiilka Gaarka ah ee Guddoomiyaha Guddiga Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Danjire Francisco Caetano Madeira, xubno kasocday Midowga Yurub iyo Urur Goboleedka IGAD.

Kulanka ayaa lagaga hadlay xaalada dalka iyo arrimaha Doorashooyinka, gaar ahaan gobolka gedo iyadoo masuuliyiinta ka socday beesha caalamka ay uga mahad celiyeen Madaxweyne Axmed Maxamed Islaam sida ay uga go’antahay in doorashada dalku ay ku dhacdo hanaan wadar ogol ah isla markana la dardar galiyo shaqooyinka muhiimka u ah in dalka ay sida ugu dhow uga dhacdo doorasho loo dhan yahay.

Waxaa la isku raacay in la joogteeyo kulamada iyo wadatashiyada la xiriira arimaha Doorashooyinka iyadoo sidoo kale la isla qiray in dalka ay muhiimad weyn u leedahay in la dadajiyo howlaha Doorashooyinka.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.