Wasiirka Wasaradda Arimaha Gudaha Federalka iyo Dib-u- Heshiisiinta Galmudug Mudane cabdi Maxamed Jaamac (Cabdi Wayeel) oo ka qayb galay Barmaamijka dood wadaag oo bulshada Magalada Caabudwaaq su’aalo ku waydiinayeen ayaa sheegay in Beesha Mareexaan hal Xubin ka heshay 21 Xubnood ee golaha Deegaanka Dhuusamareeb halka Beesha Cayr labo Xubnood ka heshay golaha Degaanka Degmada Balanbal.
Dhanka Kale Wasiir Cabdi wayeel ayaa Su’aalo badan laga waydiiyey Sababta Madaxwayne kuxigeenka galmudug Cali Daahir Ciid uu isu hortaagay golaha Degaanka Balanbale iyo Dulmiga iyo fowdada uu ku hayo maamulka Galmudug degmooyinka Balanbale iyo Caabudwaaq.
Leave a Reply