Guddiga Golaha Wasiirada ee qabanqaabinaya Munasabadaha Maalmaha Xorriyada Qaranka ee nagu soo aadan ayaa kormeeray xarumaha ay ka dhici doonaann fantasiyada Maalmaha xorriyadda, halkaas oo ay ka soconayso diyaar garow aad u balaraan oo lagu diyaarino Maalmaha Qaranka qiimaha balaaran ugu fadhiya.
Guddigan oo uu hogaaminayay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska ee Xakuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cusmaan Abuukar Dubbe oo ah Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada ayaa kormeerkooda ka bilaabay Tiyaatarka Qaranka, halkaas oo kooxda Hobolada Qaranka ee Waabari ay ka wadaan diyaar garowga iyo isku dabaridka howlaha fanka ee ay kaga qeyb qaadan doonoaan maalaha qiimaha leh ee fooda nagu soo haaya.
Gudigaan ayaa u sii gudbay Taalada Daljirka Dahsoon ee Degmada Boondheere, halkaas oo laga wado qurxin iyo naqshadeyn, kuwaas oo loogu tala galay dabaal dagga shacabka Soomaaliyeed waxana halkaasi gudiga ku soo dhaweeyay dhallinyaro damaashaad iyo diyaar garow u joogtay Daljirka, ayagoo Wasiirada qaar ka mid ah ay wax ka qabteen shaqadii halkaasi laga waday.
Wafdiga uu hogaaminayay Wasiirka Warfaafinta ayaa sidoo kale kormeer ku tegay Taalooyinka Dhagax tuur iyo Sayidka oo ka mid ah goobaha loo asteeyay in lagu weyneeyo xuska todobaadka xorriyadda, iyagoo dar daaran u jeediyay howlwadeennada bilicda iyo qurxinta ka shaqeyneysay, maadaama uu waqtiga gabo gabo yahay oo ay foodda nagu soo hayaan Maalmaha xoriyadda ee loo dabaal dagayo.
Leave a Reply