Sawiro:Madaxweynaha Koonfur Galbeed oo kusii Jeeda Nigeria ayaa gaaray Itoobiya

laftagareen

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaarey magaalada Addis Ababa ee caasimadda dalka Itoobiya.

Madaxweynaha Koonfur galbeed iyo wafdigiisa ayaa waxaa halkaas si diiran ugu soo dhoweeyay Safiirka Soomaaliya u fadhiya Dalka Itoobiya Danjire Cabdullaahi Axmed Jaamac.

Safarka Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed waxaa ku weheliya Wasiiro ka tirsan Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed iyo qaarka mid ah agaasinka Xafiiska Madaxweynaha waxayna Addis Ababa uga sii gudbayaa Dalka Nigeria.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.