
Magaalada Baladweyne gaar ahaan Xaafadda Xaawo Taako ayaa xalay waqti dambe ka bilawday dagaal u dhaxeeya Ciidamada Daraawiishta DG Hir-Shabeelle iyo kuwo uu wato Gen. Abuukar Xuud.
Dagaalka oo mar joogsaday ayaa dib u bilawday, waxaana labada dhinac kala gaaray khasaare dhimasho & dhaawac, halka shacabka Xaafadda Xaawo Taako u bilaabay in ay isaga barakacaan Guryahooda si aanay waxyeelo u gaarin.
Iska hor imaadka ayaa ka dhashay kadib markii Madaxweyne ku xigeenka DG Hir-Shabeelle oo ah Ku simaha Madaxweynaha uu isugu yeeray Golaha Wasiirada si kulankooda uu uga dhaco Magaalada Baladweyne.
Leave a Reply