Tababarka La Yaabka Leh ee Askarta Eretria ( The Ridiculous Sorceries Training Of Eretria) W/Q Dhiblaawe

eratria

Waxaan dhammaanteen ka dhereg sanahay oo dhegahayaga ku batay askar Soomaali ah oo Eretereeya tababar loo geeyey islamarkaasna laga faafiyey warar kala duwan oo dhamaantood ka imaanayey nimanka magacyada madan leh sida midowga xisbiyada,midowga musharaxiinta iyo ururka badbaado qaran,marka aan si cilmiya iyo aqoon u eegno waa magacyo kooxdaas boolyeyso oo sheegashadooda ay tahay sharci daro, waxaana ku ciladaynayaa sida hoos ku qoran aniga oo aad uga xun ehelada dhalinyarada tababarka ku maqan oo kooxdaas walaaca ku abuurtay;-

  1. Midowga xisbiyada:-waxaa dalka ka jira oo la diwaangeliyey in ku dhow boqol xisbi,in tobaneeye sheegato midowga xisbiyada sow beenabuur maaha?

2-Midowga musharxiinta:-waa arin la mid ah ayyaduna tan hore waayo,bal tiriya inta nin_ musharax madaxweyne u taagan,waa tirada xisbiyada diwaangashan iyo kuwo aan xisbiba lahayn,sheegashada magaca musharaxiinta boqolka iyo kabadan iyo matalaadoodu sow indha adayg maaha?

3-Badbaado qaran:-Dhawr nin oo isku beela oo meleeshiyo reerkooda soo geliyey xaafado ka mid ah caasimada ummadda soomaaliyeed oo dhimasho iyo barkac ka dhashay ma ku sheegi karnaa badbaado qaran,qabiil iyo qaran badbaadintise meel ma wadagalaan?

Isku soo wada duub waa hubaal in Soomaali ku dhimatay dagaalkii TPLF ee Tigreyga ,laakiin askarta Soomaalida ah ee ku dhimatay waa Soomaali Itoobiyaan,ciidan aad u fara badan oo Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ka mid ah baa ka qaybgalay, tan kalana Soomaalidu waa ka mid ciidanka Itoobiya oo sida qowmiyadaha kale u qortaan bay ayyan u qortaan,sidaas awgeed yaan laydin ku wareerin Soomaali baa ku dhimatay Tigrey ama lagu qabtay oo maxaabiis loo hayaa, waa biyo kama dhibcaan laakiin kuwayagii tababarka u joogay Eretereeya maaha,sidoo kale kooxdaan inta iskuday ay sameeyeen aan idin xasuusiyo ayyada oo gacma shisheeye gadaal ka riixayeen oo talo iyo maalba ku bixinayeen:-

1-Waxay marar badan isku dayeen mooshino lacag shisheeye lagu bixinaayey oo wada fashilmay.

2-lWaxay mara badan abaabuleen kacdoon dadweyne oo shacbiga oo wax og ka gadmiwaayey.

3-Waxay ishortaag ku sameeyeen sidii doorasho uga dhicilahayd dalka oo ilaa maanta na soo gaarsiyey.

4-Waxay abaabuleen meleeshiyo beeleedkii ay ugu magacdareen ciidamada badbaada qaran oo ay caasimada soo geliyeen ee fashilka ku dhamaatay.

5-Ugu danbayn waxay mashruuc ka dhigteen ciidanka Eretreeya tababarka ugu maqan.

Dadka Soomaaliyeed waa in ay ogaadaan in dhammaan tilaabooyinkaas a ahaayeen kuwo cadawga dalku u soo dhiibay oo la doonaayey inta aan doorasho dhicin in dalka laga abuuro xasarado iyo amnixumo,si aan doorasho u dhicin,sababtana waa in aan la hayn nin la tartami kara madaxweynaha dalka Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed (FARMAAJO) oo ay saadaaliyeen in dhan kasta oo loo dhigo doorashada uu soo noqonaayo,uuna laf dhuungashay ku noqday cadawga dalka siiba Imaaradka iyo Keenya,sidaas awgeed Soomaaliyeey aan dhammaanteen u guntano in doorashadu noogu dhacdo nabad iyo sida loogu talagaley ciddii doontaa ha ku soo baxdee ama hadaanta shisheeyuhu noo qoday  ku daadano.

Wabilaahi Towfiiq.,fadlan sheer

Dhiblaawe

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.