
Wafdigan uu hoggaaminayo Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Goboleedka HirShabeelle Yuusuf Axmed Hagar ( Dabageed) uuna qeyb ka yahay Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, ayaa gaaray Degmada Buulo-Burde ee gobalka Hiiraan, halkaas oo siweeyn loogu soo dhaweeyay.
Wafdiga oo ka soo ambabaxay Magaalada Beledweyne ee Xarunta gobalka Hiiraan, ayaa waxaa garoonka diyaaradaha degmada Buulo-Burde kusoo dhaweeyay, Maamulka degmada, Taliyaha qeybta 27-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada Buulo-Burde.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle ayaa lagu wadaa inuu xariga ka jaro dhismaha Taliska qeybta 27-aad ee Ciidamada Xoogga ee degmada Buulo-burde, kaasi oo dhawaan degmada laga dhisay.
Leave a Reply