Qarax lagu weerayay taliyaha ciidmada booliska gobolka Banaadir Farxaan Maxamed Aadan “Farxaan Qaroole” ayaa waxaa ku geeriyooday shan qof ayaa halka 10 kale ay ku dhaawacmeen qarax xooggan oo loo adeegsaday gaari, sida ay sheegeen talsika booliska Soomaaliya.
Gaariga qaraxay ayaa lagu weeraray kolonyo uu la socday taliye Qaroole oo marayay meel u dhow isgoyska Banaadir ee magaalada Muqdisho kaas oo uu taliyaha Boliiska Gobolka Banaadir ka bad baaday
Laamaha amaanka ee dowladda Soomaaliya ayaa goobta qaraxu ka dhacay gaaray iyo kuwa caafimaadka oo iyagana goobta ka qaaday dadkii uu dhaawaca kasoo gaaray qaraxaas.
Leave a Reply