Wafdi saraakiil ah oo uu hogaaminayo taliyaha ciidanka xoogga dalka General Odawaa Yuusuf ayaa maanta gaaray degmada Buulo barde ee gobolka Hiiraan.
Waxaa garoonka ku soo dhaweeyay Taliye Odowaa Taliyaha Qeybta 27 General Axmed Maxamed Calasow (Tareedish) iyo taliyeyaasha qeybta 27aad ee CXD.
Ujeedka socdaalka Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka ayaa ah daah-furka Taliska qeybta 27 oo laga dhigay dagmada Buulo-burte.
Leave a Reply