Maxaa Ku Cusub Siyaasada Soomaaliya oo Bishaaro Noo wada ah W/Q Jimcaale

farmaajo

Beentu ma sii socoto,runta dabool lama saari karoo o waa tii la yiri (XAQA HADDI DABOOL LA SAARO FEERAHA BUU KA DILAACAA), Denleeyda siyaasada waan la wada soconey inta ay hagardaaamo, lugooyo, beenabuur, mijaxaabo aan kala go’lahayn ay wadeen tan iyo markii la doortay dawlada hadda talada haysa,waxay mar kasta ku hawlanaayeen dacaayado riqiisa oo khalkhalgelin ah,waxay ku hawlanaayeen waxyeeleynta amniga,waxay abaabuleen mooshino afgambi (IMPEACHMENT), waxaysan marna cagta ka dhigin kicin dadweyne oo u socon weyday, waxay sabab u noqdeen in doorashadii dalka ka dhici lahayd dib u dhacdo mudo ku dhaw sanad, haddaba waxaa oo dhan maxay uga golahaayeen, yaase gadaal ka riixaayey aan isu jawaabo oo ku sifeeyo sidan:-

1-Waxay isku dayeen in indhaha dadka ka daboolaan maamul wanaaga iyo dawlad wanaaga kooxdaan la timid,taas oo ku noqotay (QORAX SACABO LAGUMA QARIN KARO).

2-Waxay damceen in ay shacbiga iyo ciidamada qalabka sida qabiil ku kala qaybiyaan ayadana waa ku hungoobeen,waayo waxaa la yiri (NIN AAD TAQAAN YAA TAHAY LAMA DHOHO),oo waxaa horboodaayey rag horey loo soo tijaabiyey oo aad loo garanaayey.

3- Waxaan indhaha dadka ka qarsooneyn in ay xaruma abaabul iyo marjac ka dhigteen Neyroobi iyo Abu Dabai oo waxa naga dhexeeya aan wada ognahay (NIN HOOYADI QORAX U JIIDEY AYEYDI HOOS MA GEEYO)

4-Ugu denbayn waxay la soo shir tageen oo loo soo dhiibey Maxamed Cabdullaahi Maxamed (FARMAAJO) ma tartami karo waa inuu ka haraa musharaxnimada (MINDI MEEL AAN XUBIN AHAYN MA GOYSO), Dal iyo dibad, sokeeye iyo shisheeye, waa laga wada fajacay oo intii Soomaalidu yaab afka gacanta saartay baraha bulshadana aad looga hadal hayey, waxaa si wanaagsan uga falcelisay aduunyada kale Sida:-

1- 8/07/2021 waxaa jawaab waafiya siiyey Gudoomiyaha jamciyada qarumaha ka dhaxaysa, asaga oo si gaara carabka ugu dhuftay madaxweynayaashii hore,una soo jeediyey in qoraalkii ay ku dheheen, Farmaajo tartanka ha ka haro ay ka bixiyaan raaligelin ama lala xisaabtami doono.

2- 09/07/2021,waxaa ka dhacay dalka Faransiiska magaalada Pariis munaasibad loogu magacdaray todobaadkii Fagaaraha Afrika, barnaamidkii bilow iyo dhammaad waxaa looga hadlay Soomaaliya, waxay isla qireen dhaamaan ajaanibtii ka soo qaybgashay in afartaan sano guulweyn ummadda Soomaaliyeed u soo hoyatay ay ahayd, afarta sano oo Maxamed Cabdullaahi Maxamed Joogay xafiiska Vila Somaalia, waxaa aad u amaaneen dhaqaalaha iyo maamul wanaaga ,dhismaha ciidamada iyo amniga, hagaajinta arimaha dibada iyo hoggaamin suuban,.

ugu danbayna waxaa shirkii Fagaaraha Afrika ee Paariis laga soo saaray bayan ku wajahnaa guud ahaan caalamka gaar ahaan shacbiga Soomaalida ah, lana soo jeediyey in gacan la siiyo oo lala shaqeeyo Maxamed Cabdullahi Maxamed (Farmaajo) ujeedaduna ahayd in uu mudan yahay in mar kale la doorto si Soomaaliya horey ugu sii tilaabsato oo aan dib loo celin, waxaan sugnaaba waa maalmaha iyo bilaha soo aadan sida baaqaan oo mustaqbalkooda dhabtaa ah sida dadka Soomaaliyeed kuwa matalayaa uga Jawaabaan.

Wabilaahi Towfiiq Jimcaale.(SHARE)

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.