
Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa Muqdisho dib igu soo laabtay ka dib socdaal 4 cisho qaatay oo uu ku tagay magaalooyinka Kismaayo iyo Garbahaarrey ee dowlad-goboleedka Jubaland.
Socdaalka Ra’iisul Wasaare Rooble ee Jubaland ayaa diiradda saarayay arrimaha hirgelinta doorashooyinka, dib u heshiisiinta, xoojinta amniga iyo fulinta mashaariic horumarineed oo wax tar u leh bulshada.
Ra’iisalwasaare Rooble ayaa intuu kusugnaa Magaalada Garbaaharay waxuu booqasho sharafeed ugu tagay Ugaas Maxamed Ugaas Haashi Ugaas Xirsi, oo uu uga mahadceliyay kaalintiisa nabadeynta, dib-u heshiisiinta iyo isku haynta bulshada, kuna boorriyay in la sii xoojiyo doorka dhaqanka.

Leave a Reply