Muran ayaa ka taagan baarlamanka Puntalnd, kadib markii dhawaan la meel mariyay xeer hoosaadka baarlamanka kaasoo qodobbada qaarkood ay diideen xildhibaanada qaarkood, waxaana jira inay ku andacoonayaan in qodobbada qaarkood ay dastuurka ka hor imaanayaan.
Xildhibaanada Puntland ayaa shaley loo qeybiyay xeer hoosaadka golaha kadib markii 4-tii bisha uu baarlamaanka ansixiyay xeer hoosaadka cusub.
Mid ka mid ah qodobada uu muranka ka taaganyahay ee xeer hoosaadka cusub ayaa ah xaasanadda looga qaadi karo xildhibaanka 44 cod xildhibaanada, guddoonka , iyo waliba madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa.
Waxaa isa soo tarayaa khilaafka ka dhashay arrintani maadama xildhibaanada ay ku kala qeybsameen xeer hoosaadkan.
Xildhibaanada kasoo horjeeda xeerka cusub waxaa ka mid ah Xildhibaan Axmed Cabdiraxmaan Jaamac (Ahmad Kuluc ) kaas oo sheegay in ansixinta xeerkan aanan loo marin dastuurka.
“Xeer hoosaadkan hadda la baddalay ama golaha la keenay oo anaga aaminsanahay in sida wax u dhaceen ay khaldanaayeen, sharciyada ay baalmarsan yihiin”
Wuxuu ku dooday in ansixinta xeerkan aanan loo marin hanaan sax ah isla markaana ay waxbo kama jiraan kasoo qaadayaan.
“Laakiin xeer kasta iyo qodob kasta oo uu qof la yimaado hadduu dastuurka ka hor imaanayo waa waxbo kama jiraan”
Leave a Reply