
Taliyaha Ciidanka Dhulka ee Xoogga Dalka Jeneraal Maxamed Tahliil Biixi iyo Saraakiil uu hoggaaminaya ayaa kormeer ku tagay tuulada Dheghaye oo u dhaxeysa Wisil iyo Bacaadweyne ee gobolka Mudug.
Taliye Biixi ayaa saraakiisha iyo ciidamada halkaasi ka wada howl-gallada ka dhanka ah Argagixisada ku amaanay guulaha ay kasoo hooyeen baacsiga haraadiga Al-Shabaab.
Ciidanka Xoogga Dalka qeybta 21-aad iyo Daraawiishta Dawlad gobaleedka Galmudug ayaa wada hawlgallo malaeshiyada Argagixisada ah ee Al -shabaab looga saarayo Koonfurta gobolka Mudug.
Leave a Reply