Doorashadii Gobolka Gedo oo Xal Laga Gaaray

ugaas

Shirarkii Dib u heshiisiinta Doorashada ee ka socday Magaaladda Garbahaareey ee Xarunta Gobolka Gedo ayaa lasoo gaba-gabeeyay Maanta.

Bulshada Gedo ayaana Guddiga Wasiirada Arimaha Gudaha Maamul Goboleedyada ku wareejiyay Magacyada Xubnaha noqon doona Maamulka Degmada Garbahaareey.

Ugaas Maxamed Ugaas Xaashi Ugaas Xirsi iyo Odaayaasha dhaqanka ayaa Goob fagaaro ah ku Gudoonsiiyey Gudiga arimaha Gedo loo Xilsaaray Liiska Xubnaha laga dooranayo Maamulka Garbaharrey.

liiska 2 Xubnood ee Gudoomiyaha Garbaharey.

Gudoomiyaha 1 Nuur Muxumed Jama 2) Cali Xashi diiriye

Gudomiye ku xigeen1) Xusen Baniin 2 ) Adan Cisman Nur

Guddiga oo ka kooban wasiirada Arimaha Gudaha Maamul Goboleedyada, marka Laga reebo Jubaland ayaa sido kale dhageystay Aragtida Bulshada, iyagoona tagi doona Magaaladda Kismaayo xarunta ku meel gaarka ah ee Jubbaland

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.