
Senator Cabdi Xasan Cawaale Qeybdiid oo ku sugan magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug oo maanta laga saaray argagixisada Al-Shabaab ayaa la hadlay Radio Muqdisho, isagoo faahfaahin ka bixiyey howlgalka ka socda gobolka Mudug
Ciidamada xoogga dalka Soomaliyeed iyo daraawiishta Galmudug ayaa maanta gudaha u galay magaalada Camaara ee koonfurta gobolka Mudug, halkaas oo ay isaga firxadeen argagixisadii Al-Shabaab ee dhuumaaleysiga ku joogtay Camaara.
Senator Cabdi Qeybdiid ayaa sheegay in deegaanka ay ka bilaabeen wacyi gelin ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab, isla markaana ay maanta fagaarayaasha Camaara kula hadleen bulshada ku nool magaaladaas, si looga dhaadhiciyo inay iska dhiciyaan cadawgaan baneystay dhiigooda iyo maalkooda.
Leave a Reply