
Taliyaha Ciidamada booliska Soomaaliyeed Cabdi Xasan maxamed Xijaar ayaa xilkii saldhiga Booliska degmada jowhar ka qaaday dhame Maxamed Siyaad Cali canjeex, isaga oo talioye Cusub u Magacaabay saldhiga.
Wareegto kasoo baxday Xafiska Taliye Xijaar ayaa waxaa xilka Taliyaha Saldhiga Booliska Magaalada Jowhar ee Caasimadda Hir-Shabeellle loogu magacaabay Gaashaanle dhexe Bashiir Xasan Xalfooy iyadoo taliyahii hore saldhiga degmada jowhar loo bedelay taliska ururka booliska .
Taliyeyaasha hoggaanka Cidanka booliska degaannada Hir-Shabeelle ayaa waxaa la faray inay la socdaan xilka qaadista iyo magacaabista taliyeyaasha, isla markaana ay la Shaqeeyaan Taliyaha Cuusb.
Leave a Reply