
Madaxweyne Ku Xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa maanta booqday dhaawacyada ciidamada qalabka sida ee ku soo dhaawacmay dagaaladii Al-Shabab looga xoreynayay deegaannada Ceel bacad iyo Coomaad oo ka kala tirsan Degmooyinka Buulo-burte iyo Matabaan ee Gobolka Hiiraan.
Madaxweyne ku-xigeenka Hirshabeelle ayaa booqday isbitaalada Digfeer, Somali Sudanes, Madiino iyo Xoogga Dalka oo lagu dabiibayo ciidanka geesiyaasha ah ee u bacbac dhigay argagixisada Al-Shabab.
Mudane Yuusuf Axmed Hagar ayaa uga mahadceliyay Ciidanka Xoogga Dalka gaar ahaan guutada 5-aad qeybta 27aad, Ciidanka Booliska Hirshabeelle iyo Maamulka Gobolka Hiiraan sida ay isaga kaashadeen ka hortagga cadowga Ummadda Soomaaliyeed iyo jabkii ay deegaannadaas ku gaarsiiyeen Nabad diidka.
Madaxweyne Ku-xigeenka Dowlad Goboleedka Hirshabeelle ayaa u duceeyay dhaawacyada ku jira isbitaallada magaalada in Ilaahay caafimaad degdeg ah siiyo, isagoo dhanka kale ballan qaaday in ay sii laba laabi doonaan hawlgallada ka dhan ah argagixisada Al-Shabaab.
Leave a Reply