Madaxweyne ku-xigeenka 1aad Mudane Maxamuud Sayid Aadan, ayaa shir guddoomiyay shirka todobadlaha ah ee golaha wasiirada Jubbaland.
Ugu horreyn Shirka ayaa lagaga hadlay arrimaha amaanka iyo xaaladahii u danbeeyay ee deegaanada Jubbaland iyadoo wasaaradda amniga laga dhagaystay faah faahin ku saabsan qaraxii dhawaan lala beegsaday baska kooxda kubadda cagta JCCI halkaas oo khasaare uu ka dhashay, waxaana Wasaaradda amniga iyo hay’adaha amaanku ay sheegeen in wali baaritaan uu socdo isla markana ay jiraan dad loo qabqabtay falkaas.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo gudbisay xeerka isbadalka sharciga qoondad Wasaaradda Maaliyadda taas oo golahu ay falanqayn kadib dib ugu soo celin doonan fadhiyada danbe.
Dhinaca kale Wasaaradda dhalinyarada iyo Ciyaaraha ayaa golaha la wadaagtay sidii gurmadka ay ugu samaysay ciyaartooydii waxyeeladu kasoo gaartay mashaqadii ay ku waxyeeloobeen qaar kamid ah ciyaartooyda kooxda JCCI iyadoo wasaaradu ay sheegtay in sidoo kale la daah furay tartanka horyaalka kooxaha kubadda cagta Jubbaland oo si habsi leh u socda.
Wasaaradda waxbarashadana waxaa ay soo gudbisay sida ay qeyb uga tahay heshiiska hormarinta waxbarashada ee Soomaaliya iyo Maraykanka kaas oo dib loogu habaynayo adeegyada waxbarashada Soomaaliya isla markana diiradda la saraayo dadka baahiyaha gaarka ah qaba iyo kuwa kasoo laabanaya xeryaha qoxootiga.
Leave a Reply