Marka aad aragtid cinwaanka waxaa laga yaabaa in aad tiraahdo kooxdaani waa tuma? Laakiin waa caan oo dadka intiisa badan durbadiiba maskaxdooda bay ku soo dacaysaa raga loola jeedo,waa kooxdii magacyada badnayd sida xisbiyada midoobay, Mucaaradka midoobay, midoowga musharaxiinta iyo gudiga badbaado qaran,ogaada qofka uurkiisa ay ka buuxdo qiyaano iyo dhagar meel kuma ekaado ama kuma adkeysto,welwel kama dhamaado,shaki baa markasta la deris ah oo aan ka dhamaan,sidaas awgeed wuxuu markasta ku jiraa godkaan lagugu baraye ka aag badalo sidii ciidamo dagaal ku jira, ileyn daacadnimo kalsooni galisaa ma jirtee,waana sababta keentay in ay marba shaati gashadaan oo la baxaan magacyada aan sare ku xusay iyo kuwo kale oo ay xataa magacyo beeleed oo aana halka ku xuseyn adeegsadeen oo shiriyeen ama abaabuleen oo xataa isku dayeen in ay dagaal galiyaan,laakiin bulshada ay u cuntami weydey.
Ha iloobina afar sano in ayyan ka nasan sidii ay qarankaan dib ugu celin lahaayeen ayyaga oo mar kasta maalgalin ka helaayey cadawga ummadda Soomaaliyeed ee Keenya iyo Imaaraadku u horeeyaan ayyaga oo qaarkood si qarsoodi ah xiriir iyo taageero ka raadiyey Israa’iil sida ugu maqaala ah bal dib u eega mooshino, kicin dadweyne, kala qaybin ciiddamada qalabka sida iyo beenabuur iyo dacaayado aan sal iyo raad lahayn.
Haddaba maanta xagee ku wajahan yihiin musharaxiintii madaxweynaha ee har iyo hoyaadka u diiday ummadda soomaaliyeed, waxay arkeen in ayyan gadmayn arintuna tahay gabagabo,waa ka quusteen ama albaabkii ay qabiiladooda ku beerdulucsanayeen madaxweyne baan rabaaye ha lay taageero waa soo xirmay.
Waxaa u muuqda dhagarta iyo qiyaanada ay ka galeen qaranka Soomaaaliyeed iyo musuqmaasuq baahsan oo mid siyaasadeed. dhaqaale iyo bulshaba leh oo ay dhex maquuranayaan,iminka waxay raadinayaan in ay beelahooda ka raadsadaan xildhibaanimo si ay u helaan xisaanad ay kaga dhuuntaan denbiyada ay dalka iyo dadka ka galeen in aan lagu soo oogin sida igu maqaale ah.
Haddaba odayaasha dhaqanka iyo wax garadka beelaha waxaa horyaala waqtiga aduunyada oo kooban iyo tan aakhiro ee dhammaadka aan lahayn ee su’aasha qabriga ee nina uusan la galeyn ee kaligiis uu yahay qof walba midii ay xeerinaayaan, hooga ,qiyaanada ,dhagarta iyo qaranka denbiyada laga galay ama la qaybsada oo qaade iyo qarshe noqda ama iska beriyeele.
Leave a Reply