
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta xafiiskiisa ku qaabilay safiirka Dowlada Qatar u fadhiya Soomaaliya MR. Xasan Xamza Assad.
Ujeedka kulankan ayaa ahaa sidii loo xoojin lahaa iskaashiga la xariira mashaariicda lagu horumarinaayo dhismaha Caasimadda iyo sidii safaarada Qatar u heli laheyd dhul uu siiyey Madaxwaynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh oo aysan wali lagu wareejin.
Leave a Reply