Rooble iyo Uhuru Kenyata oo kawada Hadlay Dacwada Bada iyo Qaadka

rooble

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Xuseen Rooble oo booqasho rasmi ah ku jooga dalka Kenya ayaa maanta oo talaado ah waxaa isaga iyo wafdigiisu ay Aqalka Madaxtooyada ee magaalada Mombasa wadahadal laba-geesood ah kula yeesheen Madaxweyne Uhuru kenyatta iyo mas’uuliyiin sarsare oo ka tirsan dalka Kenya.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay dhawr arrimood oo istiraatiiji ah oo danaha guud ka dhaxaysa Soomaaliya iyo Kenya, waxaana ugu muhiimsanaa soo celinta xiriirkii diblomaasiyadeed ee Nairobi iyo Muqdisho.

Eng. Rooble ayaa xusay in booqashadiisu ay tahay mid lagu adkaynayo xiriirka labada dowladood oo uu ay ka dhaxeeyaan arrimo badan, kuwaas oo u baahan in laga wada xaajoodo Sida Dacwada Bada iyo Ganacsiga labada dal oo ku jiru Qaadka kenya.

dhanka kale kale Madaxwaynaha Kenya ayaa sheegay in loo baahan yahay in dacwada Bada lagu dhameeyo hab saaxiibnimo.

Be the first to comment

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.