Madaxweynaha dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa saqdii dhexe ee xalay soo saaray qeyb kamid ah Liiska Musharaxiinta u tartameysa kuraasta Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka ee Galmudug.
Musharaxiinta u soo gudbiyay Madaxweyne Qoorqoor ayaa gaaraya lix Musharax oo u tartameysa saddeeda kursi ee Galmudug ku matelaya Senatorada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Qoorqoor ayaa soo magacaabin labada kursi ee beelaha Mareexaan iyo Sacad kuwaas oo ah kuwa qilaaf badan ka jiro..
Leave a Reply