Marwada Koowaad ee Dalka Marwo Saynab Cabdi Macallin oo ka qeyb gashay shirweynaha Haweenka Ganacsatada Soomaaliyeed ayaa ku dhiirrigelisay horumarinta Ganacsiga iyo hal-abuurka, si loo xoojiyo furasadaha haweenka ee dalka.
Marwada Koowaad ee Dalka ayaa xustay in haweenka Soomaaliyeed ay laf dhabar u yihiin horumarka dalka, iyagoo ay door weyn ka soo qaatay samata-bixinta dadka Soomaaliyeed xilliyadii adkaa, dadaallada dowlad dhiska iyo xoreynta dalka.
“Haweenka Soomaaliyeed waxa ay hormuud u yihiin ganacsiga ka jira dalkeenna, waxa ayna fursado shaqaaleysiin iyo maalgashi u abuuraan kumanaan dhallinyaro ah. Sido kale waxa ay door weyn ka soo qaateen Haweenku badbaadinta dalka markii uu dhacay burburka” ayay tiri Marwada Koowaad ee Dalka.
Marwo Saynab Cabdi Macallin ayaa dul istaagtay caqabadaha dhanka ganacsiga iyo fursadaha haweenka soomaaliyeed, iyada oo adkaysay dedaalka dowladdu ay ku bixisay awoodsiinta haweenka, gaar ahaan ganacsiga iyo siyaasadda.
Shirkan waxaa ka soo qeyb galay qaar ka mid ah hal-doorka haweenka Soomaaliyeed, Mas’uuliyiin ka socotay heer Federaalka iyo heer Gobol, Rugta Ganacsiga Soomaaliyeed iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.
Leave a Reply