Magaalada Dhuusamareeb, waxaa ka socota qaban qaabada doorashada lix xubnood oo ka tirsan aqalka sare ee baarlamanka Soomaaliya , waxaana la bilaabay dhageysiga Khudbadaha musharaxiinta.
Madaxweynaha Galmudug, Axmed Cabdi Kaariye ayaa baarlamaanka u gudbiyay 12 murashax oo ku tartami doonta lix kursi oo kamid ah sideedda kursi ee Galmudug ku leedahay aqalka sare.
Leave a Reply