Mana Soo Maray Masuul lamid ah Ra’iisalwasaare Rooble W/Q Jimcaale

Rooble

Laga soo bilaabo booqashadii resulwasaare Maxamed Hussein Rooble uu ku tegey dalka Keenya waxay noqotay taariikh madoow oo u soo hoyatay magaca  Soomaaliyeed, ma aha keliya Jamhuuriyada laakiin waa ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay ku nooshahay,waxaan damcay in aan murtida Soomaalida ka dhex raadiyo wax aan ku sheego tilaabada Rooble uu qaaday,waxay igala balaaratay wax kasta oo horay noo soo maray oo wax laga yiri,mar waxaa igu soo dhacay (MEESHII CIRKA LAGA SUGAAYEY BAA CIIRYAAMO KA TIMID) Marna waxaa igu soo dhacay (KA DAR OO DIBI DHAL) Marna waxaa igu soo dhacday (LA MOOD NOQONSE WEYDEY) Marna waxaa igu soo dhacday (SHIMBIRI MAALIN BAY DAB QAADAY WAXAY KU GUBTEY BUULKII HOOYADEED) Marna waxaa igu soo dhacay Marna  waxaa igu soo dhacay (NAAG DHIGAAL XUNEEY ADIGUNA KU MURUG LI,ID). Isku soo wada duub intaas oo dhan waxaa igala foolxumaaday wixii uu ku kacay Rooble,marka aan ka bilaabo markii uu diyaarada kaga degaayey Mumbaasa:-

1-Sharaftii uu ku soo dhaweeyey haweeneeyda resulwasaaraha ka ah Keenya ma helin oo meeshii quruxda badneyd ee Xamar uu ku soo dhaweeyey abaalkeedii ma helin.

2-Marka xigta markii uu diyaarada ka soo degeyey waxay ku salaantay salaanta, kiristaanka,Hidida,yahuuda iyo dadka aan muslinka ahayn isku salaamaan,oo intay calaacalaha isasaartay bay u rakuucday,isna isla sidii buu ku falceliyey,ma banaan tahay in loo rakuuco qof hadaw gaal yahayna waa su,aal kale bal aan culumada u daayo?Hoos ka eeg!!!

rooble

3-Marka xigta waxaan ahay oday 74 sano jira taariikhda kuma arag madax dalkeeda hadayo ka qaaday oo masuul uu soo booqanaayo hadiyad u sii qaaday laakiin madax la soo booqday oo hadiya bixisa waa arki jirey,bal ila eeg waa kane.

rooble

4-Marka xigta wuxuu iila ekeeday haweeneey reer daymo ku maqnayd oo ninkeedii iyo reerkeedii ku soo noqotay oo dhibaad keentay,aan dhibaad micneeyee gabadha reerkeeda ka soo socdaasha oo reer aabaheed u timaada,waxaa lagu xurmeeyeeyaa xoolo iyo hadiyad,waxaana loo yaqaan dhibaad,waana waxa aan la yaabay markaan arakay asaga oo hadiyadii ama dhibaadii gudoonsiinaaya,macawisna u xiraaya sidii haweeneey raaliyaa,sida ka muuqata sawirka sare.

5-Meel ka dhaca Rooble ka galay diinta islaamka aan ayyadana culumada u daayee ma banaan tahay sidii sunadii labiska muslimka in gaal loogu la biso oo layskugu daro macawis,cimaamad,koofiyadii muslimka lagu yiqiiney iyo tusbax,haddii uusan ahayn mid soo islaamay,sow noqon mayso cayaar iyo jees jees diinta lagu samaynaayo (INAA LILAAHI WA INAA ILLAAHI RAAJUCUUN).

Gunaanad Baarlamaanka Soomaaliya waxaan u soo jeedinayaa in ay tilaabo deg deg ah ka qaadaan Rooble oo baddeena badbaadiyaan Keenya waxay rabtey oo kaliya in ay mar un madaxda Soomaaliya wada fariistaan oo badda laga wada hadlo,waan ka diidney micne samayn mayso ,waxaa soo baxaya bayyaan in laysku soo dhawaday dhinacyo badan baddana la soo hadal qaaday,keenyo intaas bay maxkamada iyo midowga Afrika la aadeysaa waxayna ugu yaraan codsaneysaa in Soomaaliya wada hadal baa noo socdee jawaabta badda dib ha loodhigo, waxaa looga badbaadi karaa tilaabo baarlamaaanku qaado.

Sidoo kale dadka soomaaliyeed oo gobolada dalka ku nool waa in ay ka falceliyaan oo ka banaan baxaan tilaabada uu Rooble maanta qaaday oo dalka sharaf daro ku ah khatarna ku ah baddeena iyo dalkeena,muxuu ku bedashay Rooble dhiigii dadkii diyaaradaha lagu laayey iyo hantidii la burburiyey iyo weliba gabdhihii kufsi wadareed lagu sameeyey?

Soomaalidu waxay tiraahdaa (CAANO DAATAY DABADOODAA LA QABTAA) Waxa kaliya oo lagu cafin karaa Rooble inuu sameeyo  raaligelin uu siiyo dawlada Soomaaliyeed iyo shacbig, Bilaahi caleeg dhalinyarada iyo culumada Soomaaliyeed yey ka aamusin aritaan ee ha ka hadleen dadkana banaanbax ha u abaabuleen.

Wabilaahi Towfiiq.Oday Jimcaale. 

3 Comments

  1. Tani waa dhaleyceyn aan sal iyo raad midna laheyn, marka qofka qorayow ma daawatey soo dhaweeyntii madaarka mombasa, sidii shirku u dhacey iyo war murtiyeedkii ama warbixintii goobjooga yaashu dadka la wadaageen, mase ma dhageyssatey war bixintii jaaliyada Soomaaliya, iyo tii arinta tacadiyada loo geystey,

  2. Arintaan waa mid aysan tabin war baahi ta oo dhab hadey tahey middag wadanka gudiisa iyo tan caalamka oo idil, sidaas darteed waxey tahey mid adiga kugu kooban

Leave a Reply

Your email address will not be published.


*


This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.